Soomaaliya Waa Waddan hoddan ku aha
Kheyraadka dabiiciga ah. Iyadoo taa jirto baa waayaan dhalaanka Soomaaliyeed wax ku haga dhabaha toosan. Waddanku waa hoddan balse mahayaan dadkiisa dhabihii looga faaideysan lahaa kheyraadka dad iyo duunyaba ka badan.
Waxaa inawada deeqa Waanaga oo aan isugu hiilinaa xumahana aynu iska deynaa.
Haddaan sidaa layeelina Waxaan u halaagsameynaa sida Qoomamkii inaga horeeyay. Dhalaankii , Diin iyo dal xooga u ahaan lahaa ayaanu ku waynaa maalin kasta Dagaalo dhexdeena ah iyo Qaraxyo.
Mamudneen dhalaankii Shali dhashay inaan dhabaha dagaalada u horseedno, dhibaato aan dhamaad laheen dhaxal uga dhigno. Soomaaliya waa Meel dhaawaca iyo Dhimashada aan dadka laweyneen. Haddaanu malin qarax dhicin maalmo kadib waxaa la isu diyaariyo waa qarax ama qaraxyo.
Talo Waa Tii Rabi
Inkastoo taladu ay Tahay tii Rabi haddana waxaa Aadanuhu isticmaala caqliguu Eebe siiyay intuu kari karo oo uu marba mid tamaniyaa si uu xaalada jirto uu xalkeeda u helo. Xaalada hada ka jira Soomaaliya kuma jiro xalkeeda sida wax ay u socdaan. Duqeeymo lala beegsado Al Shabaab oo tiro isla dhaliintii Soomaaliyeed ah lagu baabiyo looguma adkaan karo Shabaab. Silamid ah taa Qaraxyo ka dhaca dalka oo ay ku baaba'aan Qaar badan oo ciidan iyo Shacab Soomaaliyeed ah dan weyn kuma jirto loogumana adkaan karo Dowlada.
Dowlada iyadaa Dalka wadda metasha waxaa ila quman xal kaloo aan xabbad ahayn inay isticmaasho oo lagu qancin karo Al shabaab. Si Shacabka u amaan helo Dalkuna aanan u burburin baaba kale.
Ethopia iyo ONLF waxay dagaalamayeen ku dhowaad 30 Sano kadib isbedelkii ka dhacay Wadanka Ra'isul wasaaraha Ethopia Abiye Axmed wuxuu gartay inaan, anaa kaa Quwad weyn meel dad gaarsiin karin. Waxaan leeyahay Soomaaliyay dib isugu laabta Diintiina ubaqa Dadkiina utura Dalkiinana unaxa.
Soomaaliya lagaama lahan midka Soomaaliga ahow. Samahaaaga dadka hadeeqo intaadan Xumaan lagaa dhaxlin. Sooyaalka Dunidu Nina weligiisa Sareyn kuma noolaado haddaad maanta Silicsan tahay Beri waad samatabixi. Maqaldame waa Illaahi abuurtay arladaan oo awoodisa aan ku socono. Tobadkeen dhab ah iyo isu tanaasul baa tubta toosan loo maraa.
Turxaan bixiya Siyaasada Taladana Wadaag ka dhigaa leeyahay inta maanta taladu Rabi inoogu dhiibay. Wixii Teggay Tageene aynu isu Tanaasulno.
Sunday, December 23, 2018
Friday, December 21, 2018
Maalmhan dambe waxaa soobatay in dadkii ay ka hadlaan Siyaasada sifuran iyadoo aysan aqoon ku filan ulahayn. Maxuma in laga hadlo Siyaasada lakiin waxaa haboob in sida wanaagsan looga hadlo kuna salaysan xaqiiqada jirta. Dalka Soomaaliya waqtigaan lajoogo 21/12/2018 Wuxuu kasoo kabanayaa xaaladihii adkaa uu soomaray hadey ahaan laheed hormarka dhinaca dhaqaalaha , Siyaasada Arimaha dibadda IWM.
Shacabka wey daalanyihiin dowladnimay rabaane Samaan baa inawada deeqde yaan sixun loo fasirin Siyaasada. Hagardaamada siyaasiyiinta ay horay usoo qaribeen wadanka iyo hubaal la'aanta Shacabka ayaa ugu wacanaa dibu dhaca Wadankaan.
Qofkasta masuuliyad ayaa saaran siduu uu noo shegay Nebi Muxamad NNKH. Hadii masuuliyadaas aynu ugudano sida nanoo faray waxaa hubaal ah in dalkaan uu ka yaraan lahaa is qabqabsigan faraha baddan.
Shacabka wey daalanyihiin dowladnimay rabaane Samaan baa inawada deeqde yaan sixun loo fasirin Siyaasada. Hagardaamada siyaasiyiinta ay horay usoo qaribeen wadanka iyo hubaal la'aanta Shacabka ayaa ugu wacanaa dibu dhaca Wadankaan.
Qofkasta masuuliyad ayaa saaran siduu uu noo shegay Nebi Muxamad NNKH. Hadii masuuliyadaas aynu ugudano sida nanoo faray waxaa hubaal ah in dalkaan uu ka yaraan lahaa is qabqabsigan faraha baddan.
Subscribe to:
Posts (Atom)
