Sunday, January 26, 2025

Dhaqanka Lumaya

 Dhibaatada baraha bulshada iyo Dhaqanka lumaya

Baraha bulshada

Sida caadiga ah arin kasta waxay leedahay wanaag iyo xumaan. Baraha bulshada waa meel bulshadu keedii xumaa iyo midka fiican isugu keentay hal meel, oo loo wada siman yahay. Waa meel midka xun uu xumihiisa ku soo bandhigto si uu lacag ama magac uga sameeyo. Halka dhinaca kale uu samaha uga faaideeyo si uu ajar, magac iyo lacag ba uga heli karo isagoo ajar doon ah asoo samaha raadinaya.

Saameynta xun ee baraha bulshada:

1) Soojeed farabadan

2) Salaad la'aan

3) Waqti sahal kugu dhaafa

4) Dhaqaale burbur

5) Kala taga qoysaska

Dhaqanka Lumaya:

Ummadaha dunida ku nool, mid waliba wuxuu leeyahay dhaqan uu kaga duwan yahay kan kale, diin ahaan iyo dhaqan ahaan ay ku kala gedisan yihiin.

Ummada Soomaalida waxaa dhaqan u ah Diinteenii Islaamka, maadaama aynu nahay dad Muslimiin ah. Haddaba iyadoo taa jirto baa burburkii dowladnimo kadib bulshadii noqotay mid dhan kasta ka burburtay. Sidaa darteed waxaa sii lumay dhaqankii wanaagsanaa ee Ummadeenii Soomaaliyeed dhaqan u ahaa.

Dhaqanka Lumay

1) Xishood la’aan

2) Xan joogto ah

3) Xubnihii oo la qaawiyo

4) Xarago been ah


Monday, July 10, 2023

Taariikhda Buula Hadame

 #Taariikhda  Buula Hadame


Sida caadiga ah deegaan kasta qof ayaa bilaaba degitaanka dhul ahaaneed ee meel kasta haddey ahaan laheed Caasimad, Gobol, degmo, Xaafad, dhul beereed ama Tuullo. Qormadeydaan maanta kama hadleyso dhamaan intaas ee keliya waxay ku qoton taa Xaafad. Markaan leeyahay Xaafad ma'ahan magaca rasmiga ah ee Xaafad kamidka ah Xaafadaha Magaalada Baydhabo balse waa Xaafad ka magac weyn Xaafadaha qaar magaaladu leedahay. 


Ka hor intaan bilaabin ka hadalka Xaafadaas waxaan rabaa inaan idinla wadaago siday ku timid degitaanka Xaafadaa iyo Qofkii ugu horeeyay ee bilaaba degitaanka Xaafada Buula Hadame. Qofkii ugu horeeyay ee dega Xaafada Buula Hadame wuxuu ahaa Yuusuf Bashiir Maxamed ku dhashay degmada Xudur ee Gobolka Bakool sanadkii 1903 dii ku dhintay Baydhabo Miilaadiga 15 /4/1999 Hijriga, Khamiis - 28/12/1419. 


Kadib markii uu Aabihii geeriyooday wuxuu kamid ahaa askartii lagu soo tababaray Taliyaaniga , markii dalka uu dib ugu soo laabtayna Wuxuu markii uu ahaa 30 jir uu Calmaday Eedadey Batuulo Ibraahim Axmed oo ahayd Xaaskiisa koowad marka laga reebo gabar kale oo ay qaraabo ahaayeen oo ku meher saneed balse markii uu tababarka ka yimid ku tiri walaalkeygii baa yimid. Aabena ku yiri sidaa baan walaalkaa ku ahaan doonaa weligeed, Xarigeediina sidii buu ku siiyay. 


Eedadey Waxay isku guursadeen Beladweyn halkaasoo Aabena uu shaqo dowladeed u joogay Eedadey oo iyagana daaqsiin ahaan u joogay Baladweyn. Waxaa la ii sheegay Eedadey Batuulo Ibraahim  inay ka da'yareed Aabahay Yuusuf Bashiir, mudo 2 sano ahna gurigiisiii ku weynaatay.


Markii uu Alle ilmo siiyay bay soo go'aansadeen inay Gobolka  Baay soo aadaan iyagoo lix Carruur yaryar heesta. Wuxuu ka shaqo bilaabay dowlada hoose waxayna kiro u degeen magaalada meel u dhow Wakaalada Biyaha agteed. Sida ay ii sheegtay Faadumo Yuusuf oo ah Curadka Yuusuf Bashiir waxay igu tiri Aabe oo saligii uu ku tukaday ku fadhiya ayaa Cunug ilmihii guriga lagu dhalay kamid ahaa baa kaadidiisa ku soo faniinshey. 


Aabe oo qof salaad jecel ahaa Cunugii guriga reerkiisa lahaa buu ku qayliyay, Markaasey hooyadii cunuga dhashey ku tiri Cunuga guriga isagaa leh meeshuu doono ayuu kaga kaadin! Markaas bey Eedadey Allah u naxriistee warkii islaantii dhibsatay, Subixii wiilasha kuwii ugu weynaa qaar ka xeeysatay oo magaalada oo sidaa uga fogeyn hawdkeeda kasoo gurteen dhis guri laga sameeyo. 


Aabe isagaaba dowlada hoose u shaqeyn jiray waa la is wada raacay isaga Xaaskiisa iyo Caruurtii qaar. Nasiib wanaag waxay la kulmeen Cali Maxamed Siindiko oo ahaa Duqii magaalada Baydhabo xiligii Dowladii Rayidka, Sidaa baana loogu Calaamadeeyay gurigaa haatan aan deganahay. 


Markaa meesha waa dhul wada hawd ah oo dugaagta dad ku cuneyso. Isla markii guriga loo calaamadeeyay waxay Eedadey iyo Carruurta kuwoodii ugu roonaa maalinba keeni jireen dhis ay ka sameystaan guri. Sidii baana lagu dhisay 2 dii Mudul  lawada yaqaanay. Markii ay guriga dhisteen bey soo guureen markaasay bilaabeen dadkii ay is yaqaaneen inay dhahaan Yuusuf ilmaha dhurwaaga hasiinin kasoo kaxeeey meeshaa cidlada ah. 


Hooyadey oo ah xaaska 2aad Aabe waxay ii sheegtay inuu uga sheekeeyay in habeenkii Waraabuhu dabka u shidan jireen oo isaga celin jireen, silamid ah taa Curadka 1aad Aabe, Faadumo Yuusuf way ii xaqiijiday. Hadamaha oo joogey magaalada waxay dhaheen markii dambe Xaafadan Buulo Yuusuf ayaa la dhahaa isna wuxuu dhahay "Buulo Hadame " waaye sidii ayeyna uga baxday "Buulo Hadame". Odayaashii markaa u yimid waxaa kamid ahaa:

1) Ethang Emed Galanla

2) Salaad Emed Galanla

3) Iishow Isag

4) Maad yarow Emed


Waxaa jirtey islaan laamiga Xerada Xuneyn guri u dhow deganeed oo Nin Taliyaani ah qabey Xaawo Shire baa la dhihi jiray oo dhalasho ahaana Mariixaan aheed. Waa islaantii ugu horeysey deris ahaan kaga horeysey oo Albaab ay  guriga  saartaan u keentay markii guriga ay dhisanaayeen , albaabkaas inuu weli yaalo ayaan filayaa. Xaafada waxaa soo degay markii dambe dad badan oo ay  Dir iyo Daarood ah ay ku jireen. 


Magacii ugu horeeyay ee loo yaqaaney wuxuu ahaa Buulo Mayeego waana magaca Ninkii Taliyaaniga qabey Xaawo Shire, sidaa baa magaciina looga bedelay markii dambe sidaan kor ku soo xusay. Taariikhda la degay xaafada Buulo Hadame qiyaastii waa 1946 dii. ALLAH ha u naxriisto dhamaan inta geeriyootay.

W/Q: Dhaqane Yusuf Bashir

Wednesday, February 27, 2019

Aragsameey Faiso



Aragsameey Faaiso Muxiyidiin
Inantii walaasheey, ifka midaan ugu jeclaa
Cadey booladdaan abtiga u ahay
Arageedii midii lagu il doogsadaay
Arxankeedii midi loo bogaay
Anshax xishoodkeedii sidii Culumadii
Aayar usocodkeedii sidii awliyada
Axdiga oofintiisa midaan lagu gaarin
Aadmikale midaan lala simin

Boqoradii haweenkaay
Bulshadu midii u bogtaay
Baariddaan jecleen
Boqorku miduu noogu deeqaay
Biyo dahab lamood yaay
Bidhaanteeda arga hore
Beerku miduu ku qaboobaay
Bilicsanaanteeda midaan lala simin
Boqolaal haweenkale
Baarinimadeedaa kaga dheertahay
Boqolaal carruur kale

Duca qabte inaad tahay
Daah kama saarna dadkuye
Deris iyo xigtaa kuu duceysay
Da'yarta maanta joogtaa
Doctoreeydka kuwa sitaa
Doolarka kuwa ka daato
Dibaddaha kuwii uga yimid daraadaa
Doonistaada kuwii ku hungoobay
Dooqaaga markaan kula deynay
Waxaad xulatay Nin Diinleh
Daganoo dadka xaqiisa dhoowra
Duqowda iyo danyarta ilaasha
Deriska iyo maatida daneeya
Diintana xaqeeda yaqaana
Dastuurkiisu yahay Quraanka
Waxaad xulatay Nin Diinleh
Ducaa kuugu  hibeeynay
Da’yar farabadana Daa’in idinka barinay

Axdigiina adkeysta dhowrta
Isu Ilaaliya sida Salaada
Isu dhegeysta sida wadaad wacdinaaya
Isu tura sida carruurtiina
Ibleys iyo ilxun adkaarta ka aqriista
Isu aamina sidii Asxaabtii Rasuulkeen SCWS
Cadowgiina itaal u yeesha
Annaa isla saxanta ilaawa
Aqal baad dhisteen ogaada
Adkeysi buu rabaa ogaada
Axadkale warkiisa ilaawa
W/Q Dhaqane Yuusuf Bashiir


Sunday, December 23, 2018

Dhalaankii Dhabaha Waayey

Soomaaliya Waa Waddan hoddan ku aha
Kheyraadka dabiiciga ah. Iyadoo taa jirto baa waayaan dhalaanka Soomaaliyeed wax ku haga dhabaha toosan. Waddanku waa hoddan balse mahayaan dadkiisa dhabihii looga faaideysan lahaa kheyraadka dad iyo duunyaba ka badan.

Waxaa inawada deeqa Waanaga oo aan isugu hiilinaa xumahana aynu iska deynaa.
Haddaan sidaa layeelina Waxaan u halaagsameynaa sida Qoomamkii inaga horeeyay. Dhalaankii , Diin iyo dal xooga u ahaan lahaa ayaanu ku waynaa maalin kasta Dagaalo dhexdeena ah iyo Qaraxyo.

Mamudneen dhalaankii Shali dhashay inaan dhabaha dagaalada u horseedno, dhibaato aan dhamaad laheen dhaxal uga dhigno. Soomaaliya waa Meel dhaawaca iyo Dhimashada aan dadka laweyneen. Haddaanu malin qarax dhicin maalmo kadib waxaa la isu diyaariyo waa qarax ama qaraxyo.

                  Talo Waa Tii Rabi
Inkastoo taladu ay Tahay tii Rabi haddana waxaa Aadanuhu isticmaala caqliguu Eebe siiyay intuu kari karo oo uu marba mid tamaniyaa si uu xaalada jirto uu xalkeeda u helo. Xaalada hada ka jira Soomaaliya kuma jiro xalkeeda sida wax ay u socdaan. Duqeeymo lala beegsado  Al Shabaab oo tiro isla dhaliintii Soomaaliyeed ah lagu baabiyo looguma adkaan karo Shabaab. Silamid ah taa Qaraxyo ka dhaca dalka oo ay ku baaba'aan Qaar badan oo ciidan iyo Shacab Soomaaliyeed ah dan weyn kuma jirto loogumana adkaan karo Dowlada.

Dowlada iyadaa Dalka wadda metasha waxaa ila quman xal kaloo aan xabbad ahayn inay isticmaasho oo lagu qancin karo Al shabaab. Si Shacabka u amaan helo Dalkuna aanan u burburin baaba kale.
Ethopia iyo ONLF waxay dagaalamayeen ku dhowaad 30 Sano kadib isbedelkii ka dhacay Wadanka Ra'isul wasaaraha Ethopia Abiye Axmed wuxuu gartay inaan, anaa kaa Quwad weyn meel dad gaarsiin karin. Waxaan leeyahay Soomaaliyay dib isugu laabta Diintiina ubaqa Dadkiina utura Dalkiinana unaxa.

Soomaaliya lagaama lahan midka Soomaaliga ahow. Samahaaaga dadka hadeeqo intaadan Xumaan lagaa dhaxlin. Sooyaalka Dunidu Nina weligiisa Sareyn kuma noolaado haddaad maanta Silicsan tahay Beri waad samatabixi. Maqaldame waa Illaahi abuurtay arladaan oo awoodisa aan ku socono. Tobadkeen dhab ah iyo isu tanaasul baa tubta toosan loo maraa.

Turxaan bixiya Siyaasada Taladana Wadaag ka dhigaa leeyahay inta maanta taladu Rabi inoogu dhiibay. Wixii Teggay Tageene aynu isu Tanaasulno.

Friday, December 21, 2018

Maalmhan dambe waxaa soobatay in dadkii ay ka hadlaan Siyaasada sifuran iyadoo aysan aqoon ku filan ulahayn. Maxuma in laga hadlo Siyaasada lakiin waxaa haboob in sida wanaagsan looga hadlo kuna salaysan xaqiiqada jirta. Dalka Soomaaliya waqtigaan lajoogo 21/12/2018 Wuxuu kasoo kabanayaa xaaladihii adkaa uu soomaray hadey ahaan laheed hormarka dhinaca dhaqaalaha , Siyaasada Arimaha dibadda IWM.

Shacabka wey daalanyihiin dowladnimay rabaane Samaan baa inawada deeqde yaan sixun loo fasirin Siyaasada. Hagardaamada siyaasiyiinta ay horay usoo qaribeen wadanka iyo hubaal la'aanta Shacabka ayaa ugu wacanaa dibu dhaca Wadankaan.

Qofkasta masuuliyad ayaa saaran siduu uu noo shegay Nebi Muxamad NNKH. Hadii masuuliyadaas aynu ugudano sida nanoo faray waxaa hubaal ah in dalkaan uu ka yaraan lahaa is qabqabsigan faraha baddan.

Sunday, July 22, 2018

Fataax

Fataax waa Illaahoo farxadaha
adduunyadu ninba mar usuurageliya
Faca maanta jooga lagama helo midkula siman
farxiyooy waxaa tahay midaan la'arag faceediiye
Fadli Eebe weeye waxaad tahay
Farxadeydii
Farxiyooy waxaa tahay fahmadeydiiye
Falfalxumo kaa maran
Fallaaxnimaa hibo u sidataa
Fariidnimadaa u dhalatay
waa mid farac u leedahay
Foox baa ii tahay iyo sida faras geeyoo
Furihii qalbigaa tahoo feeraha igaga taala
Fikir waa iga guurey fiicantaa jeclaaye
Feyskaaga wanaagsana farxad gaar igeliyee
Fatax baa u tahoo qalbiga
Far iyo faraati beynu nahaye
Farxiyooy igu filan keligaaga

W/Q: Dhaqane Yusuf Bashir

Sunday, April 22, 2018

Dhulku waa badd iyo beri

#Ruux dhoof ku baray
Adoo weligaa dhul marin
Kaa dhowray halistii dhurwaaga
Ha udhigin qoddax dhulkoo
Haddaad dhagax ku gooysid meel
Dhulku wuu wado baddan yahay
Weli dhankalaa bannaan
Ugu socdaa sida ruux dhaan sida

Dhulku waa badd iyo beri
Barba meel muddan yahay
Haku beerin bocor badda dhexdeeda
Kala baro bad iyo beri
Halka beerashada ku wacan tahay

Biyuhuba dhan wey usocdaan
Balse dhadhankey ku kala duwan yihiin
Ha noqon sida dhagool wax maqlin
Adoo dhegahaagii qaba.
 Qore: ~ Dhaqane Yusuf Bashir