#Ruux dhoof ku baray
Adoo weligaa dhul marin
Kaa dhowray halistii dhurwaaga
Ha udhigin qoddax dhulkoo
Haddaad dhagax ku gooysid meel
Dhulku wuu wado baddan yahay
Weli dhankalaa bannaan
Ugu socdaa sida ruux dhaan sida
Dhulku waa badd iyo beri
Barba meel muddan yahay
Haku beerin bocor badda dhexdeeda
Kala baro bad iyo beri
Halka beerashada ku wacan tahay
Biyuhuba dhan wey usocdaan
Balse dhadhankey ku kala duwan yihiin
Ha noqon sida dhagool wax maqlin
Adoo dhegahaagii qaba.
Qore: ~ Dhaqane Yusuf Bashir
Sunday, April 22, 2018
Monday, April 16, 2018
Guurdoon
Gabar yahay daraada
waxaan ahay sida nin geel kalumay
Gabal dhac Guga roobaad da'aayo
Galab iyo habeen aan gam'in
Geyiga dhulkeena meel madhaafine
Geedaha miyaa fuushaa oo gabalku kugu dhacay
Geyiga dhulkeena adigaa gob u ahoo
Geyaanka hablaha sanadka jiraa
Gambada inta xiran gaar kala tahay
Gabar xishoodkii lagu yaqaanay
Aduu kuu gaar yahaye
Guubaabo hadal geesinimada kuu dheer tahaye
Garaad kaaga fog baa gartu ku goysaaye
Gacal iyo sokeeyaa hadal lala gorfeeyaa
Nimaan gob ahaynina waa gebgebkiiye
Gunta hadalkayga hadaan soo gunaanado
Guurdoon baan ahay
Geed miro quuyana waan ahay
Giniga istarliinka miyaa gabaati iyo yarad kaaga geeya?
Gabar soomaaliyeed anoo arkaaya
Garbaheeda iyo gebi ahaan jirkeeda
Juga xijaabka wada xiran
Joog iyo Jamaal lagu gaarin
Jawhartii luul iyo kuwii janada lamoodo
Miyaa kuwo jirkooda wada qaawan
Jameekaan, jabaan iyo jermal
Jaanta wada qaadi karnaa?
Jawaabtu waa mayee , jecliyaa hablaheena
Qore:Dhaqane Yusuf Bashir

Thursday, April 12, 2018
Duca qabe
Duca qabe diktoore
Daryeelkii dadkeena
Deeq Rabi baa tahoo
Daain noogu deeqay
Danta guud midka loogu deydoo
Dulqaadka iyo xigmada midka lagu doorto
Deganaanta hadalka Rabi kuugu deeqo
Daruur roobaadoo dadka ay wada sugayaan
Duunyo iyo dad loogu deersada
Damaashaadka arooskiin aan saman sugeynoo
Dugsada caanshaqa adiyo doolartaa dooqatay
Daadah dhaha abidoo haka daalina caanshaqa
Daryeela abidoo isu diirnaxa
Dire-dire aan dantiisa aqoon
Dulmi side ah haka yeelina doodiisa
Dusha uga dhaca daaqada kasaara
Daa'uusta dooqatay dayaxa ah
Dusheeda midaa wada dahabka ah
Daymadeeda dareen caanahaq udheer yahay
Dad jeclaanta midaa lagu dooqtay
Dahab iyo luul midaan lagu helin
Daa'iin baa kuugu deeqe
Ducaa ku heshaye kadabiib caanshaqa
Da'yar aad daadihisaan dalka iyo Diinta uroono
Duqowda iyo deris wada xaqdhowra
Daa'in ha idin kugu deeqo
Daa'in ha isku kiin simo.
Qore: Dhaqane Yusuf Bashir

Wednesday, April 11, 2018
Dareemanaw
Eel lang ky dhy uuwtis mey dheegaa
lang uliy lakhy tumalahaayi gomow
Anky aalane afshey isku ed ooftis ang haayne
Eebty walaalshey ka shoobow Eenow mey teriy?
Oloodis ang roongha Eenow Aragdey?
Lang ollaadley huriyow umaty lagooyawa
Ogoon iy waayel iniin nahaany waa, Eenow aragdey?
Ana amandheera ooytang noogey athiiny iila arag
Haang uunky ang aragaaney oogany anku nahaany
Uniy Ula ang dhiibaney, yoo eedmaky lee
Amang dheera afsho ang daagow baradeng
Ehelkeen me'ey , Abliisa ka hiradeng
Yoobaa Yoobaa Ulmy kunoogdy
Anky alaang alooy taas isku afiiy
Eenow aniy Oortang yaa ang damagsana
Dareemanaw dooykang dugaaga leyaa
Dudumy lang dugaaldy damagshy mayry
Aniiny dalkey daraadys damagsnaa
Deebadd duur kajaro dowy aragy haang
Digow ma iing yara doogey ny wal deyow maleh
Lang doothang dareer shey matoosaw
Dirig dirigmaa dooyky madeeraw

Monday, April 9, 2018
Digniin
"Soomaalaay digniin"
Dirrirta iyo colaada dadka kama dhamaatee
Daa'iman inay noqotaa ayaa doqonimo ah
Duqowdii ; siyaasiyiintii badi haday dantoodii tahay doolar
Da'yartiina loofusho danaha gaarka
Dibad joogii lalahaa isagaa dalalka hormaray joogee
Dowladnimada kaga fiican dal jooga
Doodiisa ay tahay inuu dalkii dibindaabsho

Dagaal iyo colaad dhexdeena laguma kala raayee
Dibindaabada dalalka shisheeye war maad dareentaan
Dastuurkii Quraankii Daa'in noo soo dejiyey
Dan guud iyo mid gaar isagaa wada deeqee dalka maad ku dhaqdaan
Dastuurkaan shisheeyaha nagu daba wadaan
Dirirta iyo colaada isagaa dab u ahoo
Dalka burburkiisii asal u ahaayo na raadshey daadkoo

Dowladnimada asalkeeda waa Diintoo dastuurkii Quraankaa
Dadka Wada deeqa hadii daacadnimo lahelo
Dowladii ladhisaaba kuwaa dalaaliin ahoo kujira
Danahoodii gaarka ku fusha doolar iyo daar qurxoon ku hela
Damiirkii aaway war miyaa diirnaxaynin
Dunidda miyaa dhaxal la'idinsiiyay
Diintii wixii diiday baa dan moodaane

Daliil Quraankaa inoogu filan kuwii dayacay Diinta halkey ku dambeeyeene
Dilkii xaaranta ahaa daliil ka dhigtaan
Dal wixii wax tarilahaa waa kuwaa dambaska noqday
Duul kale miyaa sugeysaan dalka idin haga
Da'yartii aaway dalkaan dadka u ahaa
Dad weynoow kaca dugaaga shisheeye diida
Doqonka nala dhashiyo doonistiisu ay tahay doolar dalka maad ka qabataan.

Subscribe to:
Posts (Atom)