Monday, July 10, 2023

Taariikhda Buula Hadame

 #Taariikhda  Buula Hadame


Sida caadiga ah deegaan kasta qof ayaa bilaaba degitaanka dhul ahaaneed ee meel kasta haddey ahaan laheed Caasimad, Gobol, degmo, Xaafad, dhul beereed ama Tuullo. Qormadeydaan maanta kama hadleyso dhamaan intaas ee keliya waxay ku qoton taa Xaafad. Markaan leeyahay Xaafad ma'ahan magaca rasmiga ah ee Xaafad kamidka ah Xaafadaha Magaalada Baydhabo balse waa Xaafad ka magac weyn Xaafadaha qaar magaaladu leedahay. 


Ka hor intaan bilaabin ka hadalka Xaafadaas waxaan rabaa inaan idinla wadaago siday ku timid degitaanka Xaafadaa iyo Qofkii ugu horeeyay ee bilaaba degitaanka Xaafada Buula Hadame. Qofkii ugu horeeyay ee dega Xaafada Buula Hadame wuxuu ahaa Yuusuf Bashiir Maxamed ku dhashay degmada Xudur ee Gobolka Bakool sanadkii 1903 dii ku dhintay Baydhabo Miilaadiga 15 /4/1999 Hijriga, Khamiis - 28/12/1419. 


Kadib markii uu Aabihii geeriyooday wuxuu kamid ahaa askartii lagu soo tababaray Taliyaaniga , markii dalka uu dib ugu soo laabtayna Wuxuu markii uu ahaa 30 jir uu Calmaday Eedadey Batuulo Ibraahim Axmed oo ahayd Xaaskiisa koowad marka laga reebo gabar kale oo ay qaraabo ahaayeen oo ku meher saneed balse markii uu tababarka ka yimid ku tiri walaalkeygii baa yimid. Aabena ku yiri sidaa baan walaalkaa ku ahaan doonaa weligeed, Xarigeediina sidii buu ku siiyay. 


Eedadey Waxay isku guursadeen Beladweyn halkaasoo Aabena uu shaqo dowladeed u joogay Eedadey oo iyagana daaqsiin ahaan u joogay Baladweyn. Waxaa la ii sheegay Eedadey Batuulo Ibraahim  inay ka da'yareed Aabahay Yuusuf Bashiir, mudo 2 sano ahna gurigiisiii ku weynaatay.


Markii uu Alle ilmo siiyay bay soo go'aansadeen inay Gobolka  Baay soo aadaan iyagoo lix Carruur yaryar heesta. Wuxuu ka shaqo bilaabay dowlada hoose waxayna kiro u degeen magaalada meel u dhow Wakaalada Biyaha agteed. Sida ay ii sheegtay Faadumo Yuusuf oo ah Curadka Yuusuf Bashiir waxay igu tiri Aabe oo saligii uu ku tukaday ku fadhiya ayaa Cunug ilmihii guriga lagu dhalay kamid ahaa baa kaadidiisa ku soo faniinshey. 


Aabe oo qof salaad jecel ahaa Cunugii guriga reerkiisa lahaa buu ku qayliyay, Markaasey hooyadii cunuga dhashey ku tiri Cunuga guriga isagaa leh meeshuu doono ayuu kaga kaadin! Markaas bey Eedadey Allah u naxriistee warkii islaantii dhibsatay, Subixii wiilasha kuwii ugu weynaa qaar ka xeeysatay oo magaalada oo sidaa uga fogeyn hawdkeeda kasoo gurteen dhis guri laga sameeyo. 


Aabe isagaaba dowlada hoose u shaqeyn jiray waa la is wada raacay isaga Xaaskiisa iyo Caruurtii qaar. Nasiib wanaag waxay la kulmeen Cali Maxamed Siindiko oo ahaa Duqii magaalada Baydhabo xiligii Dowladii Rayidka, Sidaa baana loogu Calaamadeeyay gurigaa haatan aan deganahay. 


Markaa meesha waa dhul wada hawd ah oo dugaagta dad ku cuneyso. Isla markii guriga loo calaamadeeyay waxay Eedadey iyo Carruurta kuwoodii ugu roonaa maalinba keeni jireen dhis ay ka sameystaan guri. Sidii baana lagu dhisay 2 dii Mudul  lawada yaqaanay. Markii ay guriga dhisteen bey soo guureen markaasay bilaabeen dadkii ay is yaqaaneen inay dhahaan Yuusuf ilmaha dhurwaaga hasiinin kasoo kaxeeey meeshaa cidlada ah. 


Hooyadey oo ah xaaska 2aad Aabe waxay ii sheegtay inuu uga sheekeeyay in habeenkii Waraabuhu dabka u shidan jireen oo isaga celin jireen, silamid ah taa Curadka 1aad Aabe, Faadumo Yuusuf way ii xaqiijiday. Hadamaha oo joogey magaalada waxay dhaheen markii dambe Xaafadan Buulo Yuusuf ayaa la dhahaa isna wuxuu dhahay "Buulo Hadame " waaye sidii ayeyna uga baxday "Buulo Hadame". Odayaashii markaa u yimid waxaa kamid ahaa:

1) Ethang Emed Galanla

2) Salaad Emed Galanla

3) Iishow Isag

4) Maad yarow Emed


Waxaa jirtey islaan laamiga Xerada Xuneyn guri u dhow deganeed oo Nin Taliyaani ah qabey Xaawo Shire baa la dhihi jiray oo dhalasho ahaana Mariixaan aheed. Waa islaantii ugu horeysey deris ahaan kaga horeysey oo Albaab ay  guriga  saartaan u keentay markii guriga ay dhisanaayeen , albaabkaas inuu weli yaalo ayaan filayaa. Xaafada waxaa soo degay markii dambe dad badan oo ay  Dir iyo Daarood ah ay ku jireen. 


Magacii ugu horeeyay ee loo yaqaaney wuxuu ahaa Buulo Mayeego waana magaca Ninkii Taliyaaniga qabey Xaawo Shire, sidaa baa magaciina looga bedelay markii dambe sidaan kor ku soo xusay. Taariikhda la degay xaafada Buulo Hadame qiyaastii waa 1946 dii. ALLAH ha u naxriisto dhamaan inta geeriyootay.

W/Q: Dhaqane Yusuf Bashir

No comments:

Post a Comment