Monday, April 9, 2018

Digniin

"Soomaalaay digniin"
Dirrirta iyo colaada dadka kama dhamaatee
Daa'iman inay noqotaa ayaa doqonimo ah
Duqowdii ; siyaasiyiintii badi haday dantoodii tahay doolar
Da'yartiina loofusho danaha gaarka
Dibad joogii lalahaa isagaa dalalka hormaray joogee
Dowladnimada kaga fiican dal jooga
Doodiisa ay tahay inuu dalkii dibindaabsho
Dagaal iyo colaad dhexdeena laguma kala raayee
Dibindaabada dalalka shisheeye war maad dareentaan
Dastuurkii Quraankii Daa'in noo soo dejiyey
Dan guud iyo mid gaar isagaa wada deeqee dalka maad ku dhaqdaan
Dastuurkaan shisheeyaha nagu daba wadaan
Dirirta iyo colaada isagaa dab u ahoo
Dalka burburkiisii asal u ahaayo na raadshey daadkoo
Dowladnimada asalkeeda waa Diintoo dastuurkii Quraankaa
Dadka Wada deeqa hadii daacadnimo lahelo
Dowladii ladhisaaba kuwaa dalaaliin ahoo kujira
Danahoodii gaarka ku fusha doolar iyo daar qurxoon ku hela
Damiirkii aaway war miyaa diirnaxaynin
Dunidda miyaa dhaxal la'idinsiiyay
Diintii wixii diiday baa dan moodaane

Daliil Quraankaa inoogu filan kuwii dayacay Diinta halkey ku dambeeyeene
Dilkii xaaranta ahaa daliil ka dhigtaan
Dal wixii wax tarilahaa waa kuwaa dambaska noqday
Duul kale miyaa sugeysaan dalka idin haga
Da'yartii aaway dalkaan dadka u ahaa
Dad weynoow kaca dugaaga shisheeye diida
Doqonka nala dhashiyo doonistiisu ay tahay doolar dalka maad ka qabataan.
Qore: Dhaqane Yusuf Bashir

No comments:

Post a Comment