Thursday, April 12, 2018

Duca qabe

Duca qabe diktoore
Daryeelkii dadkeena
Deeq Rabi baa tahoo
Daain noogu deeqay
Danta guud midka loogu deydoo
Dulqaadka iyo xigmada midka lagu doorto
Deganaanta hadalka Rabi kuugu deeqo
Daruur roobaadoo dadka ay wada sugayaan
Duunyo iyo dad loogu deersada
Damaashaadka arooskiin aan saman sugeynoo
Dugsada caanshaqa adiyo doolartaa dooqatay
Daadah dhaha abidoo haka daalina caanshaqa
Daryeela abidoo isu diirnaxa
Dire-dire aan dantiisa aqoon
Dulmi side ah haka yeelina doodiisa
Dusha uga dhaca daaqada kasaara
Daa'uusta dooqatay dayaxa ah
Dusheeda midaa wada dahabka ah
Daymadeeda dareen caanahaq udheer yahay
Dad jeclaanta midaa lagu dooqtay
Dahab iyo luul midaan lagu helin
Daa'iin baa kuugu deeqe
Ducaa ku heshaye kadabiib caanshaqa
Da'yar aad daadihisaan dalka iyo Diinta uroono
Duqowda iyo deris wada xaqdhowra
Daa'in ha idin kugu deeqo
Daa'in ha isku kiin simo.
Qore: Dhaqane Yusuf Bashir

No comments:

Post a Comment