Gabar yahay daraada
waxaan ahay sida nin geel kalumay
Gabal dhac Guga roobaad da'aayo
Galab iyo habeen aan gam'in
Geyiga dhulkeena meel madhaafine
Geedaha miyaa fuushaa oo gabalku kugu dhacay
Geyiga dhulkeena adigaa gob u ahoo
Geyaanka hablaha sanadka jiraa
Gambada inta xiran gaar kala tahay
Gabar xishoodkii lagu yaqaanay
Aduu kuu gaar yahaye
Guubaabo hadal geesinimada kuu dheer tahaye
Garaad kaaga fog baa gartu ku goysaaye
Gacal iyo sokeeyaa hadal lala gorfeeyaa
Nimaan gob ahaynina waa gebgebkiiye
Gunta hadalkayga hadaan soo gunaanado
Guurdoon baan ahay
Geed miro quuyana waan ahay
Giniga istarliinka miyaa gabaati iyo yarad kaaga geeya?
Gabar soomaaliyeed anoo arkaaya
Garbaheeda iyo gebi ahaan jirkeeda
Juga xijaabka wada xiran
Joog iyo Jamaal lagu gaarin
Jawhartii luul iyo kuwii janada lamoodo
Miyaa kuwo jirkooda wada qaawan
Jameekaan, jabaan iyo jermal
Jaanta wada qaadi karnaa?
Jawaabtu waa mayee , jecliyaa hablaheena
Qore:Dhaqane Yusuf Bashir
No comments:
Post a Comment